Wararka aynu ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka gelinii dambe ee maanta ay gacanta ku dhigeen Diyaarad lacag siday.
Diyaaradan ayaa ka timid wadanka Isu tagga Imaaraadka, waxaana qabashadeeda ay ka dambeysay kadib markii Ciidamada ammaanka ay baaritaano kula dhaqaaqeen Boorsooyin saarnaa Diyaaradda oo ay wateen Howlwadeeno ka tirsan safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay lacagtan tiro ahaan in ay gaareyso $15,000,000 (Shan iyo Toban Milyan oo Doolar), halkaasina ay ka qaadi rabtay Diyaarad ku sii jeeday Magaalada Garowe, si loogu geeyo Ciidanka Puntland oo qeyb ahaan ay mushaar siiso Dowladda Imaaraadka Carabta.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ka socda wada hadal lagu dhameynayo khilaafa ka dhashay lacagtan, iyada oo weli saraakiisha ammaanka Garoonka aysan faah faahin ka bixin arrintan.