Gudoomiye Mudeey oo Dan Moodey Buuqa Ka Socda Golaha Shacabka Kulankana Ciclaamiyey Maalinta Berito

0
41

Warar soo if baxay saacadihiii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey uu u diray fariin xildhibaannada taageersan mooshinka isaga oo ku war-galiyay in ay ka soo qeybgalaan kulan maalinta Berri ah ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiye Muudeey ayaa ajandaha kulanka maalinta Berri ah ku sheegay in uu noqonayo ka dooddista mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Fariimahan ayaa imanaya xili dhinaca kale uu soconayo dadaal la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhashay mooshinka, hasse ahaatee waxaa muuqanaya in wali ay jirto kala aragti-duwanaan iyo farqi u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

Xaalada ayaa sacadihii ugu danbeeyay u muuqatay mid degan oo dhinacyadu isku soo dhawaanayaan, kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bilaabay in uu kulamo kala duwan la qaato guddiyo ka kala socday labada dhinac.

Si kastaba arintu ha ahaatee muudeey ayaad moodaa in uusan diyaar u eheyn in uu joojiyo qalalasaha uu ka dhex wado xarunta golaha shacab mana aha markii ugu horeysey oo uu qalalaaso noocan oo kale ah ka dhex sameeyo galolaha shacabka baarlamaankii todobaad iyo kii sideedaad waxaa uu ku hayey qalalaase noocan oo kale ah.