Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka xasan Cali Kheyre ayaa la sheegayaa inuu diyaarsaday shaqsiga bedali lahaa guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasi oo dad badan ay yaqaanaan.
Reysulwasaaraha xilkaan la raba wasiirka difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, maadaama uu kasoo jeedo beelaha mar walba lagu sabarsiiyo iney noqdaan gudoonka baarlamaanka.
Kheyre ayaa shaqsigan ku dooranaya inuu yahay qof isaga taageersan, islamarkaana aan hadalkiisa diideyn, saxiix walbana uu ka qaadan karo.
Si kastaba arintu ha ahaatee damaca uu wado reysulwasaare kheyre ayaa ah mid aad u adag dhanka kalana shaqsiga uu xilka la doonayo ayaa ah ruux aad u jilicsan oo aan ku habooneyn in xilkaasi loo dhiibo.