Kulankii Baarlamaanka ee Maanta lo Balansanaa oo Baaqdey Iyo Muudeey oo Weli Qalalaaso Ka Dhex |Wada Baarlamaanka

0
40

Waxaa soo ifbaxaya warar is khilaafsan oo la xiriira qabsoomida kulankii maanta loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaddib fariimo iska soo horjeeda oo xalay loo kala diray xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo maanta ayuu qorshuhu ahaa in uu hortago guddoomayaha xilka ka degay Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id si wada jir ay u qabteen maalintii shalay isaga iyo madaxweynaha ka hor sheegay in maalinta Arbaco ahuu si rasmi ah is casilaadiisa uga hor dhawaaqi doono xildhibaannada Golaha Shacabka khudbadna u jeedin doono.

Laakiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibaraahim Muudeey oo xalay fariimmo u kala diray xildhibaannada ayaa u sheegay in uusan jirin wax kulan oo ay yeelanayaan maanta oo Arbaco ah, halka sidoo kale ay jirtay fariin kale oo ay xildhibaannadu helaan oo lagu wargalinayo in ay ka soo qeyb gallaan kulanka maanta.

Fariimahan iska hor imanaya ee xildhibaannada loo kala diray ayaa shaki badan laga muujiyaan, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in xildhibaannadii markii horeba mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ka biyo-diidan yihiin in ay dhageystaan khudbada Jawaari.