Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed oo Sheegey Inuu Yahay Musharax u Taagan Xilka Gudomiyaha Baarlamaanka

0
83

Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegey in uu yahay  Musharax u taagan xilka gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka somaliyeed oo uu dhawaan iska casiley Prof maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xidlhibaan Cali sheekh ayaa in mudo ahba ka tirsan xildhibanada golaha shacabka wuxuuna xilal kala duwan oo heer wasaaradeed kasoo qabtay dowladihii kumeel gaar ahaa ee dalka soo marey waqtiga xaadirka ahna waxaa uu hayaa xilka wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee dowlada federaalka somaliya.

Xaajiga ayaa sheegey in sababta ku kaliftey in uu xiligan u istaago xilkaas ay tahay kadib kolkii uu arkay kala qeybsanaanta ka dhexeysa baarlamaanka iyo howlaha hor yaala baarlamaanka loo bahan yahay ruux mideyn kara xubnaha baarlamanaaka ila markaana ku hogaamin kara aragti dheer si dalka uu u hiigsado horumar isla markana looga boxo dibandaabyada.