Dowlada oo Sheegtey Iney Si Toos Ah Ula Wareegi Doonto Ciidamada Ay Tababareen Imaaraadka

0
50

Tan wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag dhan $9 iyo 600 oo Kun oo dollar oo ka timid dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta waxaa ay muuqatay in uu sii xumaanayo xiriirkii aan markii horeba cagaha badan ku taagneyn ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Haddaba dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay la soo wareegi doonto ciidamada ay gacanta ku hayaan Imaaraadka Carabta ee ku jira dugsiga tababarka Gordan, laguna kala dari doono sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa warka arintan ku saabsan ku raacay wasaaradda taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdiwali Jaamac Gorod oo sheegay in dowladda la soo wareegi doonto ciidamadan ay gacanta ku hayaan Imaaraadka wixii hadda ka danbeeyana dowladdu bixin doonto mishaarkooda.

Ciidamada uu Imaaraadku ku tababaro gudaha dalka gaar ahaan xerada Gordan ayaa marar badan oo hore shaki la galiyay cida ay dhab ahaan ka amar qaataan, waxaana lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerarkii kol hore lagu qaaday guriga Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare.