Reysulwasaare Kheyre iyo Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo Xaley Markii Ugu Horey Kulmay Khilaafka Kadib

0
61

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay markii ugu horeysey kulan la qaatay Guddoomiyaha is casilay ee Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Kulankan oo isugu jiray Casho, Is cafin, Macsalaameyn iyo Duco ayaa waxa uu ka dhacay hoyga Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kadib markii uu halkaasi booqday Ra’iisul Wasaare Khayre.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale ayaa waxaa si hoose isku xog wareystay Khayre iyo Jawaari oo ka wada hadlay xiisadii siyaasadeed ee dalka oo ka dhalatay Mooshinka iyo sidii la isugu niyad furnaan lahaa, maadaama xoogaa hoosaasin ah ay jirtay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa inta uu jirey is qabqabsiga mooshinka marnaba ka hadlin asagoo marar badan lagu eedeynayey in uu isaga ka dambeeyo mooshinka.