Maamulka Shariif Xasan oo Lacag ugu Deeqay Nin La Sheegey Inuu Ka Tirsanan Jirey Alshabab

0
72

Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka soo goostay Al-shabaab si muuqata lacag loo guddoonsiiyo, kaddib markii maamulka Shariif Xasan lacag dhan $ 15 Kun oo dollar guddoonsiiyay Maxamed Xassan Aadan Sandheere oo horay uga tirsanaa Al-shabaab.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga maamulka Shariif Xasan ee magaalada Baydhabo ayaa lacagtan lagu guddoonsiiyay sarkaalka ka soo goostay Al-Shabaab, waxaana guddoonsiiyay Wasiirka Amniga Xassan Xuseen Maxamed Xasan Eelaay.

Maxamed Sandheere ayaa sida la sheegay waxaa uu ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanka Gaadiidka ee Al-Shabaab ayaa Maamulka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay, xilli uu watay gaari nooca dagaalka, isla-markaana uu ku xiran yahay qoriga dhashiikaha.

Abaalmarinta uu maamulka shariif xasan gudoonsiiyey ruuxan la sheegey in uu kasoo goostey alshabab ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa xili deegaanada maamulkaasi ay ka jiraan biyo la,aan baahsan iyo weliba abaaro halka ay lacagaha dadka wax loogu qaban lahaa si qaldan u isticmaalayaan.