Madaxweynaha Dowlada Federaaalka Somaliya oo Cambaareeyey Qaraxii Shaley Ka Dhacay Degmada Baraawe

0
47

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyay Qaraxii galinkii danbe ee shalay lala eegtay dhalinyaro kubad ku cayaareysa garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qarixaasi oo ay ku dhinteen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Al-shabaab cadawga kaliya oo ay leeyihiin umadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay sida uu hadalka u dhigay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay degmada Baraawe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana in uu caafimaad degdeg ah siiyo.