Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka oo Sheegey In Isbedel Lagu Sameerey Qorshaha Amniga Gobolka Banaadir

0
44

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel lagu sameeyay qorshaha amniga guud Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa waxa uu sheegay isbedelka la sameeyay inuu yahay in la furay wadooyinkii xirnaa qaar ee caasimadda, Ciidanka Xasilintana ay hada ku sugan yihiin wadada Warshadaha ee Magaalada.

Ciidanka ammaanka ayuu faray in shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay u adeegaan shacabka, taas bedelkeeda ayuu shacaba ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa 10-kii bishan xiray waddooyinka Xaafadaha wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho, Isgoysyada ayaa furan iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamada Xasilinta oo ku baaraya Gawaarida, balse waxaa xiran dhamaan Jidcadyaasha mara Xaafadaha dhexdooda oo dhagxaan waa weyn lagu gooyay.