Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta u Kicitimey Dalka Sacuudi Arabiya

0
71

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta Waxaa ka duulay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo ku sii jeeda dalka Sacuudiga Arabiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29aad ee ururka Jaamacada Carabta.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa sidii xal waara looga gaari lahaa Magaalada qudus ee dhulka falastiiniyiinta oo uu Maraykanka u aqoonsaday caasiamda israa`iil, qaraarkii dowlada Soomaliya looga mamnuucay shirkada DP WORLD iyo dacwada Jabuuti ay ka gudbisay isla shirkada DP world.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la rajeynayaa inuu kulamo la qaato qaar Kamid ah Madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ee Shirkaan ka qeyb galaya wuxuuna kala hadli doonaa xiriirka kala dhaxeeya soomaliya iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda sacuudiga ay bilaabeyso dadaalo ku aadan sidii ay isugu keeni leheyd Madaxda Somaliya iyo Imaaraatka Carabta oo markan xiriirkooda lagu tilmaamay inuu marayo halkii ugu xumeyd.