Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dowlada federaalka Somaliya Prof Saalin Caliyow Ibroow ku dooro.
CADAALAD.
Xildhibaane, Ku dooro Musharax Xildhibaan Prof Saalim Caliyow Ibrow inuu horseedo cadaalad loo dhan yahay kuna dhisan is ixtiraam.
Xildhibaane Musharax Prof Saalim Caliyow Ibrow cadaaladu waxaa ay kaga dhigan tahay nolol.
SINAAN.
Si loo helo dowladnimo dhameystiran xildhibaane, Musharax Xildhibaan Prof Saalim Caliyow Ibrow waxa uu u taagan yahay helida sinaan guud oo ay wada helaan dhamaan lakabyada kala gedisan ee bulshadeenu ka kooban tahay.
MIDNIMO.
Waxaan hubaal ah xildhibaane in umadi ayanan gaari karin horumar midnimo la,aan sidaa daraadeed Musharax Xildhibaan Prof Saalim Caliyow Ibrow waxaa uu u taagan yahay astaan midnimo gudaha baarlamaanka iyo guud ahaan hey’adaha kala gedisan ee nidaamka dowliga ah ee umadeena maanta leedahay
SHARCI DHOWRE.
Sharciga waa aas aaska badbaadada umada iyo dowladnimadeedaba, si uu uga dhabeeyo aragtidaas Musharax Xildhibaan Prof Saalim Caliyow Ibrow ku taageer codkaada.