Xidlhibaano Digil iyo Mirifle ah oo Ma Gudbayaal u Badan oo Isku soo Sharaxay Xilka Gudomiyaha Baarlamaanka

1
122

Waxaa magalada muqdisho ka bilowdey loolanka kursiga gudoomiyaha baarlamaanka taasoo la filayo in lagu soo doorto gudoomiye cusub laba todobaad gudahooda.

Kursiga ayaa waxaa loolan balaaran ugu jira xildhibaano horboodayey mooshinka ka dhanka ahaa Prof Jawaari iyo xildhibaano dhexdhexaad ka ahaa mooshinkaasi, Xildhibaanadan oo dhamaantood kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Shaxdan aad arkeysaan ayaa waxaa idinkaga dhex muuqan doona xildhibaano ma gudbayaal ah safka horana ka taagnaa moohinka lagu ridey Prof Jawaari ayagoo danta keliya ay lahaayeen ay aheyd in ay kursigaasi isu sharaxaan isla markaana waxoogaa shilimaad ah ka helaan.

Xubnaha ilaa iyo hada isku soo sharaxay xilkan ayaa waxaa ka jid ah:

1- Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye

2- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

3- Xildhibaan Ibraahim Yarow Maxamed

4- Xildhibaan Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen

5- Xildhibaan Cabdifataax Geesey

6- Xildhibaan Xaaji Cali Sheekh

7- Xildhibaan Saalim Caliyow

8- Xildhibaan Shariif Shiiikhunaa Maye.

9- Xildhibaan Maxamed Sheekh Mursal.

10- Xildhibaan Sheekh Adan madoobe

Xildhibaanada ma gudbayaasha ah ee aan kor kusoo sheegey oo hoos u dhigey sumcada shacabka koonfur galbeed ayaa maantana isu soo sharaxay sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen sumcada iyo dadnimada umada somaliyeed.

Magudbayaashaas waxaa ka mid ah oo safka hore ku jira Xildhibaan Sheekh Adan madoobe, Xildhibaan Shariif Shiiikhunaa Maye, Xildhibaan Cabdifataax Geesey, Ibraahim Yarow Maxamed, Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

Si kastaba arintu ha ahaatee xildhibaanadan ayaa waxaa ay nasiib u yeesheen in ay ka dhashaan Qowmiyada aan la is xisaabin hadba ninkii shilimaad siiya uun uu hogaanka u qabto, Qowmiyad aan laheyn Odeyaal, Waxgarad iyo Shacab la xisaabtama xildhibanada noocan oo kale ah.

1 COMMENT

  1. Su’al intan aad noo sheegtay imisa ayaa Digil ah imisa ayaa Mirifla ah?
    Teda kale dad aan Muqoodaba la garaneyniin oo hadana dad matalayo oo xishood aan lahen side loo dooran raba?

    Aqoontooda ma kaliya mida aay ku jiren kaliya golaha shacabka mise aqoon ilaa heer sare ayey leyihiin? Aqoonta hadey watanna waya arag nimo ilaa inte ah ayeey leyihiin?

Comments are closed.