Kheyre oo Xaley La Kulmey Saraakiisha Ciidamada Boliska iyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banadir

0
284

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada Booliska, iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Kulankaasi, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka magaalada Muqdisho iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka mas’uuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageerida laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.