Maxkamada Magalada Hargeysa oo 3 Sano oo Xarig ah ku Xunkuntey Abwaanad Naciima Qorane

0
122

Warar ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maxkamada gobolka Maroodi jeex xukun saddex sano ah ku riday Abawaannad Naciimo Qarone.

Naciimo ayeey maxkamada ku soo oogtay danbi ah in ay faafisay hadalo ka dhan ah jiritaanka Maamulka Somaliland iyo inay dal shisheeye ka sameysay barnaamij kacdoon lid ku ah Somaliland.

Xariggeeda ayaa waxaa horay u cambaareeyay hey’adaha xuquuqda aadanaha, iyadoo lagu xusuusto suugaan ay ka tirisay midnimada Soomaaliya.

Maxkamaddu ma sheegin in Xukunka Naciima la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridday oo kale.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay maxkamadaha maamulka somaliland xukumaan shaqsiyaad cabiraya waxa ay aamansan yihiin taasi oo aad moodo iney kasoo horjeedo xuquuqda uu shaqsiga ku hadli karo.