Dowlada Qadar oo 30 Bus Ku Wareejisey Maamulka Gobolka Banaadir

0
118

Xukuumada Qadar ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir si loo dardar geliso howlaha ka socda dowladda Hoose ee Xamar.

Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo Dowladda Qadar ayaa Gaadiidkaan Basaska ah ku kala wareegay Gudaha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Tiradda Gaadiidkaan ayaa gaaraysa 30 Basas kuwa waaweyn ee dheereeye ah, 17 ka mid ah Gawaarida ayaa loogu tala galay in loo qeybiyo degmooyinka Maamulka Gobolka Banaadir , waxaana inta soo hartay la siin doono Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Gaadiidkan ayaa ka caawin doona maamulka gobolka Banaadir dardargelinta Howlaha maamulka , iyadoona markii ugu horay degmooyinka ay heli doonaan qeybtooda.