Faalo:-Mirifle Ma Wuxuu Moodey Inuu Dhaxal u Heley Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
136

Tan iyo intii uu iscasilay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa isa soo tarayay Musharaxiinta u taagan inay buuxiyaan xilkaasi banaanaaday iyadoo inta badan musharaxiintu ay kasoo jeedaan beesha Raxaweyn(Sagaal iyo Sideed) oo iyaga si gaar ah isula muuqda inay xilkaasi iyagu leeyihiin walow kolka laga hadlaayo nidaamka ay Soomaalidu ku heshiisay ee 4.5 uu cad xilkaasi u siinaayo beelweynta Digil iyo Mirifle.

Waa Dulmi soo jiray isla mar ahaantaana inuu sii socdo ay dadaal adag ugu jiraan Siyaasiyiinta,Dhaqanka,Ganacsatada,Aqoonyahanka,Culimaa’udiinka,Haweenka iyo Dhalinta beelaha Raxanweyn(Mirifle,Sagaal iyo Sideed) oo iyaga Tobankii sanadood ee la soo dhaafay dulmi aan loo meel dayan oo dhinac walba lihi ay ku hayeen beelaha Aw-Digil iyadoo Dulmigaasina ay qayb ka ahaayeen koox wax magarato ah oo kasoo jeeda beelaha Digil oo iyagu si indha la’aan ah ugu taageeray beelaha Raxanweyn(Sagaal iyo Sideed) dulmigooda.

Sida dhabta ah saami qaybsiga guud ee ay Soomaalidu ku heshiisay 4.5 ka sakow waxaa iyana jira qaab gaar ah oo ay gudaha beelahu wax u wada qaybsadaan marka laga reebo beelweynta Digil iyo Mirifle oo Tobankii sanadood ee lasoo dhaafay xaalkoodu ahaa Jaantaa rogay taasi oo ay in badan ku caanamaaleen Siyaasiyiinta beelaha Mirifle(Sagaal iyo Sideed), Ka hor 2009 beelaha Digil iyo Mirifle waxay ahaayeen kuwo wax ku qaybsada nadaam Sedex dhig ah(Digil,Sagaal iyo Sideed) balse intii ka danbaysay 2009 waxaa soo if baxday koox Maafiyo ah oo uu hogaaminaayo Shariif Xasan Sheekh Aadan (Shariif Sakiin) Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed oo iyaga iskaashi dhowna la sameystay Kooxdii fashilisay Maxkamadihii Islaamiga ee uu horboodayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed(Afgaduud) Isbahaysatadaan ayaa markii danbe yeelatay magaca AalaShiikh ayaa ilaa iyo maanta waxay carqalad ku yihiin geedi socodka nabada iyo helida nidaam ku dhisan Cadaalad.

Inkasta oo kooxdan Aalashiikh fursad u heshay inay talada dalka gacanta ku dhigaan ayaa hadana waxaa si dhibyar uga adkaaday kooxda Damuljadiid taasi oo intii talada dalka gacanta ku heysay kala furfurtay kooxdii AalaShiikh.

Hardankan Siyaasadeed ee labadan kooxood dhexmarey ayaa waxa uu fursad siiyay Siyaasiyiinta beelaha Raxaweyn(Mirifle,Sagaal iyo Sideed) oo iyaga marba mid lasafnaa isla mar ahaana u muujiyay isbahaysiyadan iska soo horjeeda in ayan wax dan ah ka lahayn jiritaanka Qawmiyada Digil iyo Mirifle.

Murashaxiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Kasoojeeda beelaha Mirifle(Sagaal iyo Sideed) isla markaana ka tirsan kooxda Aalasheekh(Shariif Afgaduud iyo Shariif Sakiin) ayaa waxay kala yihiin

1- Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye
Kursiga Xildhibaanimo ee Beeshiisa waxaa si Gacan kurimis ah ugu soo farsameeyay Shariif Sakiin wuxuuna ku jiraa xubnaha ugu cad cad ee uu shariif sakiin ku adeegto waana xubin ka mid ah kooxda AalaShiikh.

2- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
Waa Xiriiriyaha(Rufyaanka) Shariif Sakiin xubnaha baarlamaanka ee beelaha Digil iyo Mirifle waana xubin ka mid ah kooxda AalaShiikh wuxuuna si toos ah ula shaqeeyaa dowlada imaaraadka wuxuuna safka hore hada kaga jiraa arimaha DP world.

3- Xildhibaan Ibraahim Yarow Maxamed Waa Xildhibaanka kaliya ee ay Xildhibaanada Baarlamaanku ku sifeeyaan inuu Shariif Sakiin Caabudo waana xildhibaanka door weyn ka qaatey sidii uu madaxa isugu gelin lahaa beesha uu kasoo jeedo si uu kursiga ugu sii fadhiyo waana xubin ka mid ah kooxda AalaShiikh.

4- Xildhibaan Cabdifataax Maxamed ibraahin Geesey waa Xildhibaan magac ku yeeshay Munaafaqnimo gaarsiisan in aan naftiis lagu aamini karin waana aabihii burburiyey mamulkii 6da goboil oo ay isoo dhabar adeegeen odayaasha iyo shacabka oonfur galbeed waana xubin ka mid ah kooxda AalaShiikh.

5-Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ma filaayo in qof ka liitaba uu fadhiyo Baarlamaan waana xubin ka mid ah ahaana kooxda AalaShiikh, Aadan madoobe waa ninka dhowr iyo toban sano xildhibaanka ah weligiina wax u qaban deeganada uu matalo, Waa ninka marnaba ka hadli waayey kolkii deegaanadii uu kasoo jeedey hibada loo siiyey kooxo kasoo kicitamey kelinka shanaad.

6- Xildhibaan Maxamed Sheekh Mursal waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ruux leh aqoon taasi oo uu ku dhaamo intii isaga ka horeysay balse waa nin aan fiyoobayn oo ay maskaxdu wax uga dhiman yihiin Kaniiniyada waalida lagu dejiyana aad u cuna waana xubin sharafeed kooxda AalaShiikh ka mid ah.

Kol hadii tartanka loo gali doono xilkan uu baneeyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay magaca beelaha Digil iyo Mirifle ugu sharxan yihiin Maafiyadan reer Raxanweyn(Sagaal iyo Sideed) soo lama dhihi karo magacii iyo karaamadii qowmiyada Digil iyo Mirifle wuu dhintee hala aaso?