Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadley VOA ayaa sheegay in lacagtii todobaadkii hore dowlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah Imaaraadku ugu talagaleen ciidamada ku sugan deegaannada Puntland oo ay tababaraan.
‘’Haa lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yiri Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay VOA.
Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in ay Puntland isaga baxeen tababarayaashii Imaaaraadka isaga oo sheegay in ay dhamaanba saraakiishii tababarayaasha Iskutaga Imaaaraadka Carabta joogaan deegaannada Puntland.
Wuxuu sheegay in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadallo la sheegay in ay bilaawdeen labada dowladood, isaga oo intaa ku daray in Puntland rajeyneyso in la dhameeyo khilaafka iyo xasarada taagan.