Ciidamo Booliis ah oo ka socda dalka Sierra Leone ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada, kuwaa markii danbe u sii gudbay magaalada Kismaayo.
Ciidamada oo tiradoodu dhan tahay 15 Askari waxaa ay qeyb ka noqon doonaan tayaynta iyo tababaridda ciidamada Booliiska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.
Ku-simaha taliyaha ciidanka Booliska AMISOM Christine Alalo, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan awood siinta iyo tayaynta ciidamo boolis ah oo ka tirsan Jubbaland,kuwaasi oo horey booliska AMISOM ay u tababareen.
Christine Alalo ayaa sheegey in Hawlgalkooda uu noqon doona dhiiri galinta ciidamada Booliiska Jubbaland waxaa kaloo uu intaasi ku daray in Sannadkii 2016-ka ay tababar siiyeen w 600 askari oo bilayska ah oo ka tirsan Jubbaland, ayagoo isla markaana gacan ka geysan doonaan sidii loo dhisi lahaa awoodna loogu siin lahaa howlahooda sugida Amniga.