Wasiirka Wasaarada Tamarta Soomaaliya Prof Saalim Caliyow Ibrow isla markaana ah xubin ka tirsan baarlamanka dowlada federaalka somaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Prof Saalim Caliyow Ibrow ayaa Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.
9 kii bisha aynu ku jirno ayey aheyd kolkii uu prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.