Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa goor dhaw oo maanta ah xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Buur-Madoow oo deegaanka Carmo ee dowlad gobolleedka Puntland uga qeybgalay caleemo saarka mid ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed.
Boqor Buur-madoow ayaa lagu eedeeyay in uu munaasabada caleemo saarka ka dhacay deegaanka Carmo ka jeediyay hadalo ka hor imanaya qaddiyada iyo jiritaanka Somaliland.
Feysal Xiis Cilmi oo ah afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xariga Boqor Buur-madoow.
Toddobaadkii hore ayay maxkamad ku taal magaalada Hargeysa waxa ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah Abwaanad Naciima Qorane kadib markii lagu eedeeyay inay fidineysay hadalo lid ku ah maamulka Somaliland.
Si kastaba arintu ha ahaatee Maamulka somaliland ayaa shaqo ka dhigtey xerxerada shaqsiyaadka ka hadla waxa ay aaminsan yihiin mana aha markii ugu horeysey oo ay xabsiga dhigaan shaqsiyaad cabiraya aragtidooda taasoo aad oodo iney si aad ah uga soo horjeedo dimoqradiyada ay sheegataan.