Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dib ugu celin doonto Imaaraadka lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in lacagta la qabtay oo dhameyd $ 9 Milyan iyo 600 oo Kun oo dollar dib loogu celin doono gacanta dowladda Imaaraadka kaddib markii ay hay’addaha ku shaqada leh ka dhameystaan sida uu hadalka u dhigay baaritaanka ku socda.
Sababta dowladdu la wareegtay markii hore lacagta ayuu ku sheegay in shaki badan laga qaaday waqtiga lagu soo beegay oo dalka ay ka jireen ayuu yiri xiisado siyaasadeed’’ Lacagaha wey iman jireen sida aan ka war qabno, laakiin tan waxey lacagihii hore uga duwaneyd waqtiga lagu soo beegay oo xiisad siyaasadeed ay dalka jirtay iyo aan lagu soo wargalin dowladda’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday warkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada Imaaraadka Anwar Gargash ee ahaa in heshiiska dekedda Berbera ay wax ka ogaayeen dowladdihii hore ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta marnaba ka war qabin heshiis arintaa ku saabsan oo dhaxmaray Imaaraadka iyo dowladdihii hore.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in mar walba ay soo dhaweyneyso wadahadal laga galo khilaafka jira, isaga oo ku raacay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka baqiisii ahaa in aan khilaaffka jira lagu dhameyn qol mugdi ah.