Kulan Ay Lahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Afrika iyo Mareykanka oo Lagu Soo Gabagabeeyey Magalada Abuja ee Dalka Nigeria

0
51

Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa ku soo dhamaaday shirweyne socday muddo Saddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey taliyayaasha ciidamada difaaca Qaaradda Africa iyo dowladda Mareykanka.

Shirkasi Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirka, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Taliyayaasha iyo siddii ay isku dhaafsan lahaayeen qibradaha, tababarada dhanka ciidanka iyo arrimo kale.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, kulmo gooni gooni ah waxaa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku-xiggeenka taliska Mareykanka ee Africom.