Wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadalkii kasoo baxay Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in ay heshiiska dekedda Berbera la gaareen Xukuumaddihii dalka soo Maray.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin Heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ku aadan Dhismaha Dekedda Berbera ee Somaliland.
Axmed Ciise Cawad oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in uusan jirin heshiis lagu saxiixay Magaca Soomaaliya oo ay ogtahay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Waxaa uu sheegay Imaaraadku aysan soo tusin dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo dowladda Soomaaliyeed ama xukuumadihii Soomaaliyeed ee federaaliga ah ay la gashay.