Dhegeyso: Xukuumada oo Digniin u Dirtey Hey’adaha Ajnabiga ee aan Sharciga Heysan ee Ka Howl Gala Somaliya

0
68

Xukuumadda Soomaaliya ayaa kaga digtay dowladdaha iyo sidoo kale Hay’addaha kala duwan ee doonaya in ay ka howlgallaan Soomaaliya ama inay ka shaqo billaabaan Soomaaliya iyagoo aan ka heysan Fasax dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in Ogolaansho La’aan Hay’addo Shisheeye ay ka shaqeyaan Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad ayaa tilmaamay in cidda walba ay soo marto dowladda Soomaaliya si loo hubiyo waxyaabaha ay ka qabaneyso Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha-dibada