Dhegeyso:Reysulwasaarii Hore Dowlada Federaalka oo Sheegey Ineysan Jirin Wax Heshiis ah oo ay La Galeen Imaaraadka

0
98

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa oo la hadley warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiray heshiis la xiriira dekedda Berbera oo ay la galeen Imaaraadka Carabta.

Sharma’arke ayaa sheegay in uusan jirin mudadii uu xilka hayay heshiis militari iyo mid ganacsi oo dhaxmaray iyaga iyo Imaaraadka Carabta.

Cumar ayaa isla markaa sheegay in uusan ka warqabin ama ka hadli karin xukuumadihii isaga ka horeeyay, laakiin arinta ka hadlayaa tahay oo kaliya labadii sano uu dalka ra’iisal wasaaraha ka ahaa ama xukuumadiisu jirtay.

Hadalka ka soo yeeray ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharm’arke ayaa kusoo beegmaya kadib kolkii dhawaan wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka uu sheegay in heshiiska dekedda Berbera ay la galleen dowladdihi hore.

Cumar Cabdirashiid