Raysul wasaaraha dowaldda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeybgalay wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya la isku raacay in Soomaaliya ay isbadallo muuqda ka sameeysay dhinacyada Dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha.
Waxa uu xusay in masuuliyiinta hay’adda lacagta adduunka iyo Bankiga dhexe ee Washington oo uu kulamo la qaatay wasiirka maaliyadda ay isku raaceen in Soomaaliya laga taageero daabacaadda lacago Shilin Soomaali ah.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga aduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya, Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.”
Waxa uu intaa ku daray in wadamada caalamku isku raaceen sidii ay Soomaaliya ula fal-geli lahayd hay’adaha dhaqaalaha adduunka.