Warar aynu dhawaan ka helney deegaanada ku dhow degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheeagaya in halkaasi uu ka socdo daagaal aad u culus.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga ururka Al-shabaab ay wadada u galeen Kolonyo Ciidan oo galbinayay Sahay Shidaal, kuwaasi oo u sii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Bakool.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan Hubka culus ee la isku adeegsanayo dagaalka, waxaana dagaalka uu yahay mid goos goos ah.