Musharixiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Hortegaya Xildhibanada Golaha Shacabka

0
129

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhageysan doona khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

11 Musharax ayaa buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana maanta ay dhamaantood hortagayaan oo ay qudbado ka jeedin doonaan Xildhibaanada Golaha Shacabka hortooda.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa sheegay in ay maanta si rasmi ah u bilaabaneyso khudbad jeedinta Musharaxiinta, musharaxiintuna ay u kala hadlayaan sida ay u kala horeeyeen.

Gelinka dambe ee ilaa berri ayay ku ektahay hadal jeedinta Musharaxinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha, waxaana lagu wadaa in 30-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha