Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dowlada federaalka somaliya Mahdi Mohamed Guuleed ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deeqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).
Mahdi Mohamed Gulleid Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.
Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, Guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenka Dalka.