Reysulwasaraha Xukuumada Federaalka oo la Kulmey Gudiga Amaanka iyo Siyaasada ee Midowga Yurub

0
51

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Guddida ammaanka iyo siyaasadda ee Midowga Yurub (EU PSC).

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu u gudbiyey farriintiisa ah in hadda ay jirto rajo badan oo Soomaaliya kasoo kabanayso, Safiirrada Midowga Yurub waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin qorshayaasha xumuumaddiisa.

Intii lagu gudo jirey doodahan, waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu xusay Saddex qodob isagoo uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub inay taageeraan Dowladdiisa.

1- Deeq Maaliyadeed oo toos ah oo xaddigeedu gaarayo €100 Million (Barnaamij la ansixin doono dhammaadka Bisha May).

2- Taageero baaxad leh oo dhaqaale oo ku waajahan dadaallada xasilineed oo gaaraysa €80 Million, taas oo iyadana la ansixin doono dhammaadka Bisha May.

3- Taageero joogto ah oo ku aaddan AMISOM, taas oo dooddeeda si dhakhso ah loo bilaabi doono, ayna soo dhammaan doonto dooddaasi gabagabada bisha June.

Kulankan ayaa aheyn kulankii ugu horeeyey oo ay yeeshaan midowga yurub iyo xukuumada federaalka ayadoo laga filaayo iney kasoo baxaan horumaro wax ku ool ah.