Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Shiinaha ayaa waxaa ka qeybgalay madax iyo ganacsato ka socotay dalalka ku yaal qaaradda Afrika, ayadoo dal walba uu soo bandhigi doono wax soo saarkiisa iyo kheyraadka uu eebbe ku maneystay.
Shirka ayaa waxaa daahfuray madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Criral Ramaphosa, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen madax ka socotay dowladaha Afrika, wasiirro ka socday dalka Shiinaha, madax ka socota ururrada caalamiga ah, shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka ganacsiga Shiinaha iyo kuwa qaaradda Afrika.
Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalgalinta Dowladda shiinaha ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkan heerka caalami ah.