Reysulwasaare Ku Xigeenka Dowlada Federaalka oo Sheegey In Amniga Magalada Muqdisho Loo Dhiibi Doono Ciidamo Isku Dhafan

0
82

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Fedreaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kormeer ugu tagay xarun Ciidan oo ku taalla Magaalada Muqdisho, ayna ku sugnaayeen Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Millitari, Boolis iyo Asluub.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka waxaa ku wehliyay Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeya Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe iyo xubno kale, waxaana halkaasi lagu qabtay Munaasabad kooban oo lagu soo bandhigayay Cidankan.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Gen. Bashiir Goobe oo sheegay in Dhalinyaradan Ciidanka ah ay ku soo biireen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayna astaan u yihiin jiilka cusub ee soo socda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Ciidamadan in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda ammaanka, si looga hortago falalka ka baxsan ammaanka.

Si kastaba arintu ha ahaatee amniga Magaalada Muqdisho aa weli ah mid alow sahal ah ayadoo maalin walba dadka si micno daro ah jidka loogu dilo taasoo ilaa iyo hada dowlada ay awoodi ladahay in ay soo qabato dadka dilalkaasi geysta.