Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya oo La Kulmey Reysulwasaraha Dalka Belgium

0
47

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi, Charles Michel.

Labada Ra’iisul Wasaare, Khayre iyo Charles Michel oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay arimo muhiim u ah labada dowladood oo ay kamid tahay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Brussels.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka warbixinayay waxyaalaha uu kala hadlay dhigiisa dalkaasi Belgium ayaa sheegey in ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya labada dowladood oo ay kamid tahay xariirka soo jireenka iyo sidii loo xoojin lahaa.”

Kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la qaatay Mr Charles ayaa waxa uu qeyb ka ahaa kulamo uu Brussels kula yeeshay masuulyiin ka tirsan midawga Yurub.