Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalinkii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan.
Wadamada Caalamul islaam ee uu hoggaaminaayo Sacuudiga ayaa xalay fiidkii soo geba gebeeyay raadinta bilashada bisha Ramadaan, waxayna sheegeen in maanta oo Arbaco ah ay tahay 30-ka Shacbaan, sidoo kale wadamadan ayaa waxa ay sheegeen in Khamiista ay tahay shaki la’aan maalinta 1-aad ee Ramadaan.
Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Khayrow Xasan ayaa Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka ka jira ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dhanka kale Sheekh Maxamed Khayrow Xasan Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday in ay ka hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee dalka la soo geliyo sida Qamriga iyo wixii la mid ah.