Reysulwasaraha Xukumada Federaalka oo Xalay Kormeeray Qeybo Ka Mid Ah Magalada Muqdisho

0
67

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, taliyaha ciidamada Booliiska iyo kan Asluubta Soomaaliyeed ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada dulleedka ka xiga.

Ra’iisal wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee xarumihii uu booqday, kuwaa oo soo bandhigay baco lagu soo xiray Beyruud la sheegay in laga farsameeyay qaraxyadii xalay laga maqlayay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ra’iisal wasaaruhu kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah magaalada, isaga oo shacabka ugu laab-qaboojiyay in Amnigu wanaagsan yahay.

Kormeerka ra’iisal wasaaraha ayaa u muuqda mid lagu dhiiri-galinayo ciidamada howlgalka ku jira iyo shacabka Soomaaliyeed oo qaba baqdin ah weerarro ay geysan karaan Al-shabaab inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan.