Kulanka Gudiga Joogta ee Baarlamaanka oo Maanta Lagu Soo Qaatay Dagaalada Ka Socda Deeganada Tukaraq

1
83

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta looga hadlay dagaaladda maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si waafaqsan qodobka 56-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka Cabdiwali sheekh Ibraahim Muudey.

Dhinaca kale Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

1 COMMENT

  1. Asc
    Soo geliya tacsida Maxamed Shekh Xassan oo Somalia meel sare ka gaaray
    Mahadsanidiin

Comments are closed.