Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Maanta Booqday Dekeda

0
72

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey dekadda Muqdisho oo ay ka socdaan howlo isugu jira dhoofka iyo soo dajinta shixdaha kala duwan.

Kheyre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda iyo Maamulka Dekadda, waxaa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala dekadda in ay ilaaliyaan mas’uuliyadda lagu aaminay maadaama ay dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo.

Waxaa kale ee uu ra’iisal wasaaruhu sheegay in aan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha dowladda, wuxuuna kula dar-daarmay maamulka cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso dekaddu.