Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi oo habeennimadii xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay xuska 18ka May oo ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in marnaba aysan duullaan ku aheyn Puntland iyo magaalada Garoowe.
‘’Annaga waxa aan u socno waa in aan gaarno xudduudaheenna oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya, waxaan leenahay haddii aad diidan tihiin xadkii uu inoo dhigay isticmaarka, waa in aad arintaa kala hadashaan Qaramada Midoobey iyo Africa, ee ma’aha in aad duullaan soo qaadaan’’ayuu yiri madaxweyne Biixi.
Shacabka reer Puntland ayuu ku amaanay Muuse Biixi in ay yihiin dad nabadeen oo ay ogyihiin sida uu hadalka u dhigay in aysan raali ka aheyn dagaalka Tuka-Raq.
Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku baaqay in uu sii socon doono dagaalka deegaanka Tuka-Raq isaga oo ku eedeeyay Somaliland in ay ku soo duushay dhulka Puntland.