Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Daah furay Intixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo sanadkaan ay u fariisanayaan 27,600 oo arday.
Ra’iisul Wasaaraha oo booqday goobo lagu qaadaayay Intixaanka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay naftooda aaminaan,islamarkaana ay si degan Imtixaanka uga shaqeeyaan,qishkana ay iska ilaaliyaan.
Intixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Goobaha Intixaanka lagu galaayo ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa la wareegay ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi.