Maxkamada Racfaanka Maamulka Somaliland oo 3 Sano Xarig Ah Ku Xukumay Boqor Cusmaan Buur-Madow

0
70

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamad ku taalla Magaaladaasi ay Saddex sanno oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Maxkamadda racfaanka ah ee gobolka Maroodijeex waxay saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Buurmadow, kaddib markii uu racfaan ka qaatay xukunkii maxkamadda gobolka Maroodijeex ee shanta sano ahaa.

Boqor Buurmadow ayaa dhawaan kaga qayb-galay degaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka beeldaajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka beeldaajiyahaasi.

Si kastaba arintu ha ahaatee caburinta iyo xabsiyada shacabka lala dul joogo ayaa waxaa ay ka hor imaneysaa dimoqradiyada kol walba ay sheegtaan maamulka somaliland in ay kaga horeeyaan maamulada kale ee dalka somaliya ka jira