Xog ay dhawaan Daafeet Media ka heshey magalada baydhaba ee fadhiga u ah maamulka koonfur galbeed ayaa sheegaya in xilka gudomiyaha gobolka shabelaha hoose laga qaaday Ibraahim Cali Aadan (Najax) oo labadii sano ee lasoo dhaafey xilka haayey.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xilka loo magacaabay nin lagu magacaabo Mahamed Ibrahin Bare oo horey u ahaan jirey darawalka gudoomiye ku xigeenka amniga gobolka shabelaha hoose oo lagu magacaabo Cali Nuur Maxamed.
Isbedelkan cusub ayaa la sheegayaa iney hor boodayaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada dhexe oo horey uga tirsanaa maamulka koonfur galbeed hadana ka tirsan dulmi iyo dhibaatooyin badana ka wada guud ahaan gobolka shabelaha hoose isla markaana gacan saar la leh Shariif Xasan.
Ragan u olaleynayey in xil ka qaadis lagu sameeyo gudoomiyaha gobolka ayaa waxaa ay kala ahaayeen Cali Nuure Maxamed, Cabdulaahi Sheekh Xasan iyo C/raxmaan Sate cabdinaasir cabdi caruush, ruuxaasi oo dhinac kastaba ka caawin kara waxa ay ka damacsan yihiin goibolka.
Ibraahin Najax ayaa lagu waramayaa in xil cusub looga magacaabay muulka koonfur galbeed xilkaas oo aan weli si cad loo sheegin balse warar qaar ayaa sheegaya in uu ka shaqeyn doono madaxtooyada maamulka koonfur galbeed.