Dowlada Somaliya iyo Qaramada Midoobey oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Iney Gargaar u Fidiso Dadkii Fatahada Dhibta kasoo Gaartey

0
117

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen Fatahaada ku dhuftay gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Fatahaadii ku dhuftay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ku barakaceen kumanaan qof oo hadda u baahan gargaar deg deg ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa s sheegayeegay dhankooda in roobabkii ka da’ay Soomaaliya in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Xafiisku in ay jiraan Khasaare ballaaran sidda Naf ,Maal , Barakac, iyo Burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya , waxaana uu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay bixiyaan 80 Milyan si wax looga qabto dhibaatadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.