Warar aynu dhawaan ka helney degmada afgooye ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaasi ka dhacay weerar Ismiidamin ah oo lala beegsadey ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Weerarka ismiidaamin ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateeen ciidan ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa ku jira xerada Bali-doogle ee loo yaqaano Bancraf-ta, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Al-shabaab oo sheegtay weerarkan ayaa sheegtay in ay dileen ilaa 12 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa uu tababaray Mareykanka ee fariisinkooda uu yahay Bali-Doogle.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlada oo la xiriira weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Afgooye.