Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arabaco ah qorshuhu yahay in ay ku kulan xarunta Golaha Shacabka iyaga oo ka dooddi doona hindise Sharciyeedyo.
Kulanka waxaa shir guddoomin doona guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Golaha C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana la filayaa in xildhibaannada loo qeybiyo Hindise sharciyeedka hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada.
Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maanta hortagaan mudanayaasha, si ay sharxaad uga bixiyaan Hindise sharciyeedkan ah hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada.
Waxaa akhrintii labaad ee Hindise sharciyeedka, waxaana aqrinta Saddexaad uu mari doonaa kulankan kan xiga ee Baarlamaanka ay yaalan doonaan.