Guddiga difaaca maamul gobolleedka Puntland ayaa maanta soo saaray amar culus oo intooda badan quseeya dadka taageerada u fidiyay ama wararka maamulka u gudbiya sida hadalka u dhigeen Somaliland.
Guddoomiyaha guddigan ahna,Wasiirka Amniga maamulka Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo ay garab taagan yihiin xubnaha kale ee guddiga ayaa saxaafadda u akhriyay go’aannadan.
Xukunada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in dil-toogasho ah lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland ,ama jaajuusnimo ula shaqeeya,sida ku xusan qoraalka.
Sidoo kale Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo dhinacooda Warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay go’aannadan iyo xukunnada ay xambaarsan yihiin ee lagu soo rogay ciddii lagu helo in ay Somaliland ka gacan-siisay dagaalka.
Si kastaba arintu ha ahaatee xiisada colaadeed ee u dhexeysa maamulada puntland iyo somaliland ayaa inta badan waxaa ay jalaafataa dadka shacabka ah oo dembiyo badan oo aan jirin mar mar lagu soo oogo laguna fuliyo mana garan karno go,aankan cusub iyo sida xaaalkiisa noqon doono.