Gudoomiyaha guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayuu sheegay Mahdi Maxamed in falanqeyn dheer kadib leesta gartay in deeqaha la hayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.
“Lacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybinay geyna doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen. Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyay”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka jirto ugu danbeyn maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo badbaadiyo qoysaska daadadku dhibaateeyeen.