Laba Nin oo Burcad ah oo Maanta Lagu Diley Suuqa Bakaaraha

0
61

Ciidamada amniga ee magaalada Muqdisho ayaa maanta toogasho ku dilay laba dabley oo ku hubeysnaa Bistoolado kuwaasoo la sheegay inay falal amni darro ah ka wadeen suuqa ugu weyn magaalada.

Ciidamada Amniga iyo dalbeydan ayaa iska hor imaad dhex maray, waxaana lagu dilay laba ka mid ah dableyda hubeysneyd oo aan la sheegin inay ka tirsanaayeen Alshabaab ama Daacish oo muddooyinkan danbe dilal fara badan ka waday caasimadda.

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa u mahad celiyay ciidamada ka hor tegay dableyda hubeysneyd isagoo sheegay inay ciidamada ka hortageen sharwadayaal ka tirsanaa nabadiidka.

Dilalka ay geystaan kooxahan bistooladaha ku hubeysan oo aan la garaneynin ayaa inta badan dhibaatooyin badan ku haya shacabka somaliyeed ayagoo siyaabo kala duwan u dila dadka isla markaana goobta ay dilka ka geystaan ka baxsada.