Akhriso: Warsaxaafadeed Maamulka Somaliland uu Kaga Hadlayo Dagaalo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq

0
42

Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii saakay ka dhacay Tuka Raq, waxaana ay ku eedeeyeen in ay Dawlada Soomaaliya ka dambayso dagaalkaasi.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in sababta loo soo wareeray tahay inay doonayeen inay ka faa’iidaysta inta lagu mashquulsan yahay daad gureynta dadkii duufaantu ku wax-yeelaysay goboladda Galbeedka.

Wasiirku kama hadal khasaaraha uu dhaliyey dagaalkaasi, hasse ahaatee waxaa uu xusay uun in ay is difaaceen oo ay dib u riixeen ciidankii soo weeraray.