Maxkamada Ciidanka Qalabka-Sida oo Maanta Dhegeysatey Dacwad Loo Heystey 3 Wiil oo Dhalinyaro ah oo Ka Tirsanaa Alshabab

0
146

Maxkamadeynta Seddax eedeysane oo loo heysto weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood labo 28 October 2017 ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday kiiskan loo heysto eedeysanayaasha kala ah:-
1- Fraxaan Maxammed Samatar
2- C/naasir Dhaqane Xasan.
3- Abshir Maxamed Xaaji Buule.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayay ku qirteen in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen xasuuqa , waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda in ay go’aanka Maxkamadda dib ka soo saari doonaan.